Ku soo dhawoow Sheffield Homes
Ku soo dhawoow Sheffield Homes. Waxaan Kawnsalka Magaalada Sheffield u maareynaa guryaha kawnsalka. Waxaan hubin doonnaa in qof walba uu adeegyadeena ku heli karo luqadooda. Waxaan kugu caawin karnaa helidda guri, bixinta kirada, soo codsiga in hagaajin laga qabto gurigaaga kawnsalka, waxaan ka jawaabi karnaa su’aalaha ku saabsan heshiiskaaga kirada iyo akhlaaq xumada lid ku ah bulshada. Waxaad soo saaran kartaa buug-yarayaasha macluumaadka ee ku qoran luqadaada. Waxaan heli karnaa turjubaan kale markii aad soo codsato. Waxaan xittaa bixinnaa adeeg turjubaan telefoon iyo waji-ka-waji ah. Fadlan nagala soo xiriir 0114 293 0000 haddii aad ku nooshahay Waqooyiga Sheffield ama 0114 205 3333 haddii aad ku nooshahay Koonfuurta Sheffield ama email u soo dir enquiries@sheffieldhomes.org.uk. Waxaad warqad nagu soo qori kartaa cinwaankaan Sheffield Homes, PO Box 1918, Sheffield S1 2XX.
Welcome to Sheffield Homes. We manage council housing on behalf of Sheffield City Council. We will make sure that everyone has access to our services in their language. We can help you find a home, pay your rent, order a repair for your council home, answer questions about your tenancy and deal with anti-social behaviour. You can download information leaflets in your language. We can arrange other translations on request. We also provide a telephone and face-to-face interpretation service. Please contact us on 0114 293 0000 if you live in the North of Sheffield or 0114 205 3333 if you live in the South of Sheffield or email us at enquiries@sheffieldhomes.org.uk. You can write to us at Sheffield Homes, PO Box 1918, Sheffield S1 2XX.