Ku soo dhawoow Adeegga Internetka ee Sheffield Homes
Waxaad adeeggeena internetka u isticmaali kartaa sidii aad:
• U codsato hagaajin iyo u qaban-qaabiso ballan hagaajin adigoo isticmaalaayo hab sawir leh oo si fudud loo raaci karo
• U eegto taariikhda hagaajinta guriga
• U eegto hagaajinta loo qaban-qaabiyey guryaha sarta ah iyo kuwa nooca maisonettes
• U eegto heerka uu hagaajinta taagan yahay
• U eegto xisaabta akowntigaaga kirada
• U eegto bayaanka kirada
• U codsato kaadhka bixinta kirada
Waxaan dhammaan kireystayaasha u dirney lambar gaar u ah (PIN) iyo ereyga sirta ah si ay bogga internetka si bilaash ah 24 saac, 7 maalmood usbuuciba ku soo galaan ayagoo gurigooda jooga.
Haddii aad hilmaamtey faah-faahinta aad ku soo gasho bogga internetka, fadlan isticmaal foomka codsiga Akownti cusub/PIN iyo Xasuusinta Ereyga sirta.
Caawinaad dheeraad ah miyaad u baahan tahay?
Haddii aad u baahan tahay caawinaad dheeraad ah si aad bogaggaan u isticmaasho fadlan email inoogu soo dir enquiries@sheffieldhomes.org.uk.
Fadlan tag qaybta Caawinaadda ee Bogga Internet (Website Help) iyo email soo dir adigoo ku qoraaya magacaada, cinwaankaaga, habka aad jeceshahay in lagula soo xiriiro (telefoon ama email) iyo faah-faahinta weydiismadaada.
Sidoo kale fadlan nagala soo xiriir xarumaheena wicitaanka lambarkuu waa 0114 293 0000 ama 0114 205 3333.